Warbixintaasi ayaa looga hadlay guud ahaan xaalada Soomaaliya, iyo sidii dib ugu eegis weyn loogu sameyn lahaa Howl-galada Ciidanka Nabad Ilaalinta u joogo Soomaaliya ee Amisom.va7xrqcvpunrwcev3nvq88uc04tzwnd2

Warbixinta ayaa markii ugu horeysay waxaa lagu xusay in dib u eegis gaar ah lagu sameeyay xaalada amaanka ee Gobolada Hoos yimaado Puntland.

Waxaa sidoo kale ku jirto in ay suurta gal tahay in Ciidamo ka socday Amisom ama Qaramada Midoobey la geeyo gudaha Puntland gaar ahaan  Xafiisyada ay United Nation-ka ay ku leeyihiin Puntland.

Sidoo kale waxaa laga hadlay in Puntland loo qalabeeyo Ciidamo gaaraya 3,000 oo Askari, kuwaasi oo la sheegay in la hoos geyn doono Wasaarada Gaashaandhiga Soomaaliya.

Hadaba arinkaasi siyaasiyiinta iyo shacabka Reer Puntland sidee u arkaan, Maxaase xiligaan ku soo beegay in Puntland xiligaan lagu soo daro qorsheynta Amaanka Amisom.

Waxaan idiin soo gudbineynaa Barnamij dood ah oo looga hadlayo arimaha aan kor ku soo xusnay. waxaana inagala qeyb galayo aqiyaarta kala ah.

1. Cali Yuusuf Xoosh oo hore u soo noqday Wasiir ku-xigeenka Amniga Puntland wuxuu ku suganyahay Gobolka Ohio ee Mareykanka.

2. Dr. Cabdiwali Maxamuud Gurey, oo ah aqoonyahan iyo siyaasi Soomaaliyeed, kana mid ahaa Musharaxiintii Madaxtinimada Puntland sanadkii 2014-ka wuxuu ku sugan yahay Dalka Ingriiska.

3. Cabdi-daahir Yuusuf Yeey, oo isna ah siyaasi caan ka ah dhula Soomaalida, kana mid ahaa Musharaxiinta Doorashada Madaxtinimada Puntland .wuxuuna ku sugnaa Varginia.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *